Dekedyarada (Pier) 58 Jawaab-Celinta Fikradda Guud Ee Nakh-Shadda Oo Kooban
Total Page:16
File Type:pdf, Size:1020Kb
Dekedyarada (Pier) 58 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban Disembar 2020 Nuxurka Warbixinta oo Kooban Bilihii Nofembar iyo Disembar 2020, Xafiiska Mashaariicda Biyo-xigeenka (Waterfront) iyo kuwa Madaniga ah ayaa martigeliyay kulanka guri furan oo internet-ka ka dhacaya si ay ula wadaagaan fikradda guud ee nakh-shadda Dekedyarada (Pier) 58 dadweynaha iyo si dadka loogu dhiirrigeliyo in ay jawaab-celin ka bixiyaan garoonka ciyaaraha, musqusha iyo munaasabadaha gaarka ah ee mustaqbalka. Imaanshaha • Waxaa jiray 1,174 adeegsadayaal gaar ah oo soo booqday gurigeenna furan ee internet-ka intii u dhaxeysay 13-ka Nofembar iyo 6-da Disembar, 2020 o Adeegsadayaashan soo booqday, 24, 23 iyo 18 waxaa ay sida loo kala hor xusay u booqdeen boggoga Af Shiineeska La-fududeeyay, Af Soomaaliga iyo Af Isbaanishka. • 191 daawasho ee fiidiyowga soo-jeedinta la hagey • 148 jawaabood ayaa laga bixiyay sahanka garoonka ciyaaraha (labo ayaa Af Shiinees ah, inta kale waa Af Ingiriis) • 80 jawaabood ayaa laga bixiyay sahanka musqusha (dhammaantooda waa Af Ingiriis) • 82 jawaabood ayaa laga bixiyay sahanka munaasabadaha gaarka ah (dhammaantooda waa Af Ingiriis) • 42 jawaabood oo daba-furan ayaa lagu dhaafay derbiga dhegdhegga leh ee internet-ka, oo ay ku jiraan 36 soo-jeedimo iyo lix qaddarin (dhammaantooda waa Af Ingiriis) Jawaab-celinta muhiimka ah • Jawaab-bixiyeyaasha ayaa waxay doonayaan gooobtan in ay noqoto goob soo-dhaweynaysa da'aadda oo dhan, dhammaan dhaqdhaqaaqyada iyo dhammaan bulshooyinka kale • Guud ahaan, jawaab-bixiyeyaasha waxay aad ugu farxeen beertan cusub, garoonka ciyaaraha, iyo musqusha, waxayna dhiirrigeliyeen adeegsiga agab dabiici ah iyo dhir cagaaran oo dheeraad ah • Bixinta hoos ama har, gabaad laga galo roobka iyo fadhi la beddeli karo ayaa sidoo kale muhiim u ahaa jawaab-bixiyeyaal badan • Jawaab-bixiyeyaasha ayaa walaac ka muujiyay bedqabka iyo dadka hadda guri la'aanta ah ee adeegsanaya goobtan • Gaar u ah garoonka ciyaaraha o Ma jirin fikrad si xad-dhaaf ah loo doorbiday, balse kuwo badan ayaa qaddariyay adeegsiga dhismayaal taagan si loo bixiyo isku-dheelirnaanta fidsanaanta dekedyarada iyo xoogaa shafaafiyaad ah oo lagu muujinayo muuqaalka Gacan-biyoodka Elliott Bay marka laga soo eego waddada biyo-xigeenka ah o Jawaab-bixiyeyaal badan ayaa waxaa soo-jiitay qaybaha la fuulo iyo buunddada xariga ah Dekedyarada (Pier) 58 1 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban o Jawaab-bixiyeyaasha waxay qaddariyeen walxaha bixin kara fursad waxbarasho iyo sidoo kale kala duwanaanta nooca ciyaarta o Waalidiinta iyo mas’uuliyiinta ayaa waxay doonayaan in ay si sahlan u awoodaan in ay muuqaal ahaan u baaraan guud ahaan garoonka ciyaaraha iyada oo la eegayo bedqabkiisa o Dhismayaasha waa in ay noqdaan kuwo ciyaartoodu ay daneynayaan da’aadda oo dhan, oo ay ku jiraan dadka waaweyn • Gaar u ah musqusha o Jawaab-bixiyeyaal badan waxay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo nadiifiyo musqullaha o Jawaab-bixiyeyaasha waxay doonayaan musqusha in uu heli karo ama adeegsan karo qof kastoo u baahan o Jawaab-bixiyeyaasha waxay jeclaan lahaayeen in ay arkaan adeege ama qof dadka caawiya oo ka hawlgala musqusha marka ay furan tahay • Gaar u ah munaasabadaha gaarka ah o Waxaa jira tamar badan oo ku saabsan howlaha suuragalka ah ee dhici kara. Qaar ayaa doorbidaya tani in ay in badan ku jihaysanaato beer marka loo eego in ay ku jihaysanaan lahayd dhacdada o Jawaab-bixiyeyaasha ayaa bixiyay fikrado ballaaran oo kala duwan si ay booskan uga dhigaan mid la bedbedeli karo oo hawlo badan leh iyada oo la martigelinayo bandhig faneed toos ah, hawlo bannaanka lagu qabto, munaasabado dhaqameed, filimaan la soo bandhigo, suuqyada cuntada iyo wixii la mid ah Dekedyarada (Pier) 58 2 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban Hordhac Xafiiska Mashaariicda Biyo-xigeenka (Waterfront) iyo kuwa Madaniga ah ee Magaalada Seattle ayaa nakh-shadeynaya Dekedyarada (Pier) 58, oo sidoo kale loo yaqaanno Beerta Biyo-xigeenka (Waterfront Park), si loo abuuro beer dadweyne, oo loo sii wanaajiyo gaaridda, bedqabka iyo debecsanaanta dekedyarada iyada oo la bixinayo muuqaallada ballaaran ee Gacan-biyoodka Elliott Bay iyo Buuraha Olombik (Olympic Mountains). Beerta dekedyarada (pier) ee cusub ayaa la nakh-shadeeyay iyada oo maanka lagu hayo qoysaska iyo carruurta yaryar, iyada oo leh suuq-weyne guud oo cusub, garoonka ciyaaraha carruurta oo cusub iyo caws ballaaran iyo geedo si ay u bixiyaan hoos. Dekedyarada (pier) ayaa sidoo kale loo nakh-shadeeyay si loo sii wanaajiyo sabada ama degaanka kalluunka salmon iyo marinka guuriska, iyada oo la taageerayo joogteynta qaybaha gidaarka badda. Cudurka safmarka ah awgii, ayaa dhammaan gaarista waxaa la sameeyay iyada oo la adeegsanayo internet-ka iyo telefoonnada, oo ay ka mid yihiin guriga furan ee internet-ka ah kaas oo furnaa 13-ka Nofembar ilaa 6-da Disembar, 2020. Waxaanna lagu helayay luuqadaha Ingiriiska, Isbaanish, Shiinees La- fududeeyay iyo Af Soomaali. Dadka soo booqday ayaa waxaa la siiyay fursad ay ku daawadaan fiidiyow lix-daqiiqadood soconaya kaas oo bixinaya guudmarka nakh-shadda fikradda guud laguna buuxinayo sahanno kala gaar ah, oo ku xiran xiisaha. Sahan kasta wuxuu diiradda saarayay walxo kala duwan oo ay ka mid yihiin garoonka ciyaaraha, musqusha iyo munaasabadaha gaarka ah. Waxaa sidoo kale jiray derbiga dhegdhega ee dadweynaha ee internet-ka ah halkaas oo dadka soo booqanaya ay ku bixin kareen jawaab-celin daba-furan. Guriga furan ee internet-ka ah ayaa waxaa soo booqday 1,174 qof. Dekedyarada (Pier) 58 3 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban Qalabka ogeysiinta iyo gaariista Fursaddan ka-qaybqaadashada ayaa kor loo qaaday iyada oo loo marayo hababkan ogeysiinta ee soo socda: • Xayaysiisyada lagu soo bandhigo internet-ka ee daabacaadaha warbaahinta maxalliga ah oo ay ka mid yihiin South Seattle Emerald, The Stranger, The Daily Journal of Commerce, La Raza NW, Northwest Asian Weekly, International Examiner, ParentMap iyo Seattle’s Child iyo xayaysiisyo la turjumay oo lagu soo bandhigay wargeysyada Runta News iyo Seattle Chinese Times • Boodhadh laab-laabma oo kor loogu qaadayo sahanka garoonka ciyaaraha ayaa lagu dhejiyay beeraha ku yaalla guud ahaan magaalada Seattle, oo ay ka mid yihiin Green Lake, Magnusson, Gas Works, Seward, Jefferson iyo Beerta Donnie Chin International Children’s Park. Meesha Kalluunka iyo Xayawaan- Badeedka Lagu Xannaaneeyo ee Seattle ayaa sidoo kale heshay boodh meesha gudaheeda la Boodhadh ayaa la dhigay beeraha kala duwan ee ku yaalla dhigayo guud ahaan Seattle si kor loogu qaado sahanka • Warsidaha elektarooniga ah (E-newsletter) ayaa loo diray 12,658 macaamiil oo rukun u ah liiska iimayl-ka barnaamijka Waterfront Seattle • Hadal kooban oo ammaan iyo xayaysiin ah oo lagu qoro baraha bulshada ayaa lagu daabacay koontooyinka baraha bulshada ee Waterfront Seattle, oo ay ka mid yihiin Instagram iyo Facebook • Waraaqo xog ku daabacan, oo ku qoran dhammaan afarta luuqadood, oo loogu talagalay la- hawlgalayaasha mashruuca si ay ula wadaagaan bulshooyinkooda Dekedyarada (Pier) 58 4 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban • Iimaylo ayaa loo diray ka-qaybgalayaasha la beegsanayo si gacan looga geysto faafinta wacyiga ku saabsan fursaddan jawaab-celinta, oo ay ku jiraan carruurta iyo qoysaska magaalada hoose, dadka leh baahiyada gaarista, qoysaska dadka midabka leh ama madow iyo dadka raadinaya madadaallo aan kharashkeedu badneyn • Daabacaadda bogga internet-ka ayaa waxaa lagu daabacay bogga internet-ka ee Parkways oo ku saabsan fursadda ka-qaybgalka garoonka ciyaaraha • Warbaahinta maxalliga ah ee kala duwan oo ay ka mid yihiin warbaahinta qowmiyaha ayaa helay ogeysiisyo ku saabsan fursaddan ka-qaybgalka • Xog-siin la isuduway oo loogu talagalay kooxaha bulshada iyo daneeyayaasha oo ay ka mid yihiin Ururka Magaalada Hoose ee Seattle (Downtown Seattle Association) iyo Waalidiinta Magaalada Hoose ee Seattle (Parents for Greater Downtown Seattle), Ururka Seattle Historic Waterfront Association iyo El Centro de la Raza / Xarunta Koboca Carruurta ee José Martí • La isuduway iyada oo la kaashanayo ururrada La-hawlgalayaasha bulshada ayaa gacan kaga geystay in degaanka iyo la-hawlgalayaasha hay'adda, oo ay ay kor ugu qaadaan fursaddan ka-qaybgalka madalladooda baraha bulshada. ka mid yihiin Ururka Magaalada Hoose ee Seattle (Downtown Seattle Association), Meesha Kalluunka iyo Xayawaan-Badeedka Lagu Xannaaneeyo ee Seattle iyo Waaxda Beeraha ee Seattle si kor loogu qaado fursaddan jawaab-celinta • Waaxda Beeraha Seattle ayaa waraaqaha daabacan la wadaagtay xarumaha daryeelka carruurta ee ku yaalla gudaha xarumaha bulshada ee Seattle Dekedyarada (Pier) 58 5 Jawaab-celinta Fikradda Guud ee Nakh-shadda oo Kooban Natiijooyinka sahanka garoonka ciyaaraha Sahanka goobta ciyaarta ayaa dhiirrigeliyay jawaab-celin ku saabsan fikradaha dadka soo booqanaya ay jeclaan lahaayeen in ay arkaan iyo noocyada qalabka ciyaarta ee dadka soo booqanaya soo-jiidanaya. Waxaan jawaab ka helnay 148 shaqsi markii sahanka la xiray 6-da Disembar, 2020. Hoos waxaa ku xusan jawaab-celinta ugu muhiimsan ee la wadaagay. Fikradaha Ma jirin fikrad ay jawaab-bixiyeyaashu si aad ah uga doorbideen fikrad kale. Fikradda xariiqa-badda ayaa ahayd waxa ugu yar ee la jeclaaday, qayb ahaan waxaa sabab u ah in goobaha lagu ciyaaro ee u dhow in Saddex fikradood ayaa ikhtiyaaro ahaan loo soo bandhigay waxaanna fikrado kale dad la soo wadaagay soo-booqdayaasha guriga furan ee internet-ka ah ay u muuqdeen kuwo si wanaagsan ugu habboon fikraddan. Dekedyarada