ANNUAL REPORT Inside SOMALI VERSION
Total Page:16
File Type:pdf, Size:1020Kb
DIFAACAHA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015 Waa wiil 12 jir ah oo rasaas uu ku dhuftay askari ka tirsan booliska Gobolka Nugaal Sawirka waxaa qaaday Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanah Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliya Warqadda soo Gudbinta Warbixinta Sanadlaha Annigoo tixraacaya qodobka 118aad faqradiisa 9aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, Xeerka Hey'adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Qodobkiisa 12aad faqradiisa 7aad, waxaa sharaf ii ah inaan halakan kuugu soo gudbiyo warbixinta xafiiska ee xili warbixineedka Nofeembar 2014 ilaa Nofeembar 2015. Mahadsanid Maxamed Yuusuf Cali Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dowladda Puntland Og: Guddoomiyaha Golaha wakiilada Dowladda Puntland i Guddoomiye Kuxigeenka koowaad Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Guddoomiye Kuxigeenka labaad Golaha Wakiilada Dowladda Puntland WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015 Ereyga Difaacaha Waxay ahayd 27kii Nofeembar 2014 markii golaha wakiiladdu ay ii doorteen inaan noqdo Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland sida ku cad qodobada 64(9) iyo 117 ee dastuurka dowladda Puntland. Waa xafiis aan horey uga jirin Puntland, shaqadiisa ay dadka iyo dalka u baahnaayeen, kana dhinaa hanaanka dowladnimo ee Puntland. Doorashada waxaa ku asaasmay xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Asaasidda xafiisku wuxuu ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay soo martay burbur, dowlad la'aan iyo dagaalo sokeeye oo aafeeyey dalka iyo dadkaba. Waxaa dalka Soomaaliya guud ahaan ka dhacay gaboodfalo iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, si gaar ahna u saameeyey haweenka iyo caruurta. Caqabadaha aanu waajahnay waxaa ka mid ah in aanu ka howlgalnay dal dhaqan doorsoomay, oo hanaanka dowladnimo iyo qabiilka isku milmeen, bani'aadantimadu luntay, dadka inta dareenka leh ee xaqa dhowraya ay yaryihiin. Habdhaqanka mas'uuliyiinta qaarkood ma aha mid caawinaaya in sharcigu sareeyo oo dadku u sinnaadaan sharciga, muwaadinimada, kheyraadka iyo awoodda. Waxaanu aragnay dowladnimo ay ragaadisay laba aragtiyood oo iska soo horjeeda, bulsho dowladnimada u aragta siyaasiyiin danaysanaya, ii iyo mas'uuliyiin u arka dadka iyo dalka hantidooda gaarka ah oo siday ka maqsuudaan u maamulanaya. Isla xisaabtanka oo yar, ama aan jirin mararka qaarkood siiba markii uu dhaco fal qaldan ama ka gaabin howl in la qabto ahayd. Garsoor ay yartahay kalsoonida bulshadu ku qabto, ku sifoobay tayo iyo itaal yari, aan samaynin horumar nidaam iyo mid sharci oo la jaanqaada dadka iyo dalka midna. Dowladda Puntland waxay aasaastay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha oo ah tallaabo loogu hinqaday dhanka maamul wanaaga, isla xisaabtanka, ka jawaabidda balamada iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay saxiixday iyo kuwa ay ka mid noqotay. Waxa ugu wayn oo la meelmariyey waa qodobada dastuurka Puntland ee faraya in la sameeyo xafiis ka shaqeeya ilaalinta, u qareemidda iyo taaba-gelinta xuquuqda aadanaha. Si aan u gudano shaqada naloo doortay ee difaacidda xuquuqda aadanaha, waxaanu qaadnay talaabooyinkan: · Waxaanu diyaarinay miisaniyadda iyo agabka xafiisku ku hawl gelaayo · Waxaanu kireynay xarunta dhexe ee difaacaha xuquuqda aadanaha ee Puntland · Waxaanu shaqaalaysiiney hawl-wadeenada xafiiska oo imtixaan ku yimi · Waxaanu daah-furnay xafiiska si dadka iyo dowladaba u ogaadaan WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015 · Waxaanu shirar u qabanay bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan si aan u barno mas'uuliyadaha iyo awoodaha dastuuriga ee xafiiska iyo adeega uu bulshada u qabanayo. · Waxaanu kulamo isbarasho iyo xog-wadaag la yeelanay dhamaan hey'adaha iyo wasaaradaha dowladda Puntland. · Waxaanu diyaariney Qorshaha dhow ee xafiiska (2015-2017) · Waxaanu diyaariney foomamka asaasiga ah ee shaqada u baahnayd · Waxaanu aqoon-iweydaarsi la yeelanay hey'adaha dowladda qaybtood Waxaan ku faraxsanahay inaanu halkan ku xusno sanad guurada 1aad ee ka soo wareegtay aasaasida xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland. Waxaa guul noo ah inaan idinla wadaagno warbixinta sanadlaha ee 1aad ee xafiisku soo saaro. Warbixantaani waxay diirada saareysaa waxqabadkii xafiiska muddada sannadka ah ee uu dhisnaa; caqabadaha soo foodsaaray, meelaha uu booqday, waxyaabaha u qabsoomi waayey iyo sababaha ay ugu qabsoomi waayeen. Waxay kaloo warbixintu iftiiminaysaa xadgudubyadda ka jira amaba ka dhaca deegaanada Puntland ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, haday tahay xuquuqaha iyo xorriyaadka shakhsiga iyo kuwa bulshada ee madaniga, siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha, deegaanka iyo dhaqanka. Warbixintu waxay soo gudbinaysaa talo bixin ku aadan sidii wax looga qaban lahaa tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo sidii loo horumarin lahaa wacyiga iyo aqoonta hey'adaha dowladda iyo bulshada ee ku aadan ilaalinta xuquuqda muwaadinka Puntland ku nool. Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa xukuumadda, Garsoorka iyo Golaha Wakiilada Dowladda Puntland siday noo soo dhaweeyeen, iii qaybtoodna garab noogu siiyeen shaqadeena. Sidaa si la mid ah waxaan xusayaa kaalinta dhiirigelinneed ee bulshada ku nool geyiga Puntland nagu siiyeen inaanu gudano xilka naloo idmaday. Ugu danbayn, si aan ugu qareeno xuquuqda dadka iyo deegaanka, waxaan codsanaynaa oo micne iyo muunad noo leh talada, taageerada iyo wadashaqaynta xukuumadda, garsoorka, golaha wakiilada iyo bulsha weynta Puntland. “Si xuquuqdaada u dhowrnaato ilaali xuquuqda dadka kale” Maxamed Yuusuf Cali Difaacaha WARBIXINTA 1AAD EE SANADLAHA NOFEEMBAR 2014 - NOFEEMBAR 2015 TUSMADA CUTUBKA 1aad: Hordhac 1.1. Gogoldhig.....................................................................................................................................................................................1 1.2. Asaasidda Xafiiska ....................................................................................................................................................................2 1.3. Sharciyadda Xafiiska ................................................................................................................................................................2 1.4. Ujeedooyinka Xafiiska..............................................................................................................................................................3 1.5. Awoodaha iyo Shaqooyinka..................................................................................................................................................4 1.6. Hiigsiga .........................................................................................................................................................................................5 1.7. Hawl-wadeenada Xafiiska ......................................................................................................................................................6 CUTUBKA 2aad: Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Puntland 2.1. Wasaaradaha Dowladda..........................................................................................................................................................7 2.1.1. Xogta la helay ayaa ah.............................................................................................................................................................8 2.2. Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta...................................................................................................................................................8 2.2.1. Garsoorka Puntland .................................................................................................................................................................8 2.2.2. Maxkamadaha.............................................................................................................................................................................9 2.2.3. Xeer-Ilaalinta..............................................................................................................................................................................10 2.2.4. Maxkamadda Ciidanka...........................................................................................................................................................10 iv 2.3. Xabsiyada iyo Saldhigyada...................................................................................................................................................10 2.3.1. Xabsiyada....................................................................................................................................................................................10 2.3.2. Saldhigyada Booliska..............................................................................................................................................................12 2.4. Xuquuqaha Dastuuriga ah....................................................................................................................................................13 2.4.1. Xuquuqda Shaqaalaha Dowladda.....................................................................................................................................13 2.4.2. Daah'furnaanta, Xisaabcelinta iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa.....................................................................13 2.4.3. Xurriyadda Saxaafadda iyo Nabadgelyada Suxifiyiinta.............................................................................................13 2.4.4. Xurriyadda Fikirka iyo Bandhigida Ra'yiga ...................................................................................................................15