Hab-Dhaqannada Ugu Wanaagsan Ee Caafimaadka Maskaxda
Total Page:16
File Type:pdf, Size:1020Kb
Buug lagu eegayo Hab-dhaqannada Ugu Wanaagsan ee Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya © World Health Organization/GRT, 2012 Qaabeynta iyo layout-ka: Blossom Communications Italy - blossoming.it Sawirka galka kore © GRT/Julie Taylor – Bukaanno caafimaadka Maskaxda oo ka beerwaleynaya Hargeysa Buug lagu eegayo Hab-dhaqannada Ugu Wanaagsan ee Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya Mahadnaq Buuggan lagu eegayo Hab-dhaqannada ugu Wanaagsan ee Caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya waxaa looga jawaabayaa hawshii ballaarneyd ee la qabtey muddadii u dhaxaysey 2011-2013 ee wax looga qabanayey baahida sii kordheysa ee loo qabo gargaar bani’aadamnimo oo ay helaan bukaannada Cudurrada Maskaxda. Hawshan suuragal ma ahaateen haddii aan la heli lahayn dadaalkii iyo wax ku biirintii dadkaan soo socda: Julie Currie (Maareeyaha Mashruuca GRT, Hargeysa), Cabdirashiid Ismaaciil (Maareeyaha Degaanka ee Mashruuca GRT, Hargeysa), Maryan Xasan Dyre (Madaxa Kaalkaaliyeyaasha Caafimaadka iyo Maareeyaha, Waadhka Caafimaadka Maskaxda ee Cusbitaalka Hargeysa Group Hospital), Cabdirasaaq Barako (Dhakhtar, Waadhka Caafimaadka Maskaxda ee Cusbitaalka Hargeisa Group Hospital iyo Xarumo Caafimaad oo gaar loo leeyahay), Cabdi Gurey (WHO Somalia, Xafiiska Hargeysa), Farxaan Aadan (Guddoomiyaha GAVO), Axmed-Ciid M. Cali (Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Maroodi-Jeex, Hargeysa), Maxamed Muumin Habane (Xarunta Daryeel Psychosocial Centre, Hargeysa), Cabdiraxmaan Axmed (Xarunta Habwanaag Psychosocial Centre, Hargeysa), iyo Axmed Al Jabril (Qareen Xuquuqaha Aadanaha, Hargeysa). Mahad gaar ah waxaa leh Michelle Funk iyo Natalie Drew (Xarunta Dhexe ee WHO, Jineefa) oo noo oggolaadey in aan isticmaalno buugga the WHO Quality Rights Toolkit, oo hagayey sameynta buuggan. Waxaa loo mahadcelinayaa Dr Ridhwaan Humayun iyo Dr Maxamed M Fuje (WHO Somalia, Nayroobi) oo dib-u-eegistii ugu dambeysey ku sameeyey buugga. Ugu dambeyn waxaa si gaar ah loogu mahadcelinayaa Pieter Desloovere (Communications officer, WHO Somalia, Nairobi) oo kaalin weyn ka qaatey tifaftiridda iyo nashrinta/daabacidda buuggan. Daabacaaddan waxaa suurageliyey taageero maaliyadeed oo laga heley Guddiga Reer Yurub. Tusmo Ku saabsan buuggan 6 1. Hordhac 8 2. Caafimaadka Maskaxda iyo Soomaalida 10 Liisto-hubineed ku aaddan hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee caafimaadka Maskaxda ee Soomaaliya 14 Ku saabsan buuggan Hadafka laga leeyahay Buuggan waa buuggii WHO Quality Rigths Tool Kit oo la waafajiyey xaaladda Soomaalida. Waxaa uu ku taamayaa in uu kuwa siyaasadaha dejiya iyo kuwa adeegyada bixiya ee Soomaaliya ka caawiyo daraaseynta iyo sii wanaajinta tayada daryeelka iyo xaaladaha xuquuqaha aadanaha ee xarumaha caafimaadka maskaxda iyo daryeelka bulshada. Waxaa uu ka hadlayaa daryeel tayo leh iyo xuquuqaha aadanaha ee xarumaha bukaan-jiifka, bukaan-socodka iyo kuwa bulshada isaga oo adeegsanaya hab laga wada-qaybqaato oo ay ku lug yeelanayaan dadka qaba xannuunada caafimaadka maskaxda, qoysaskooda iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Dhammaan kuwani waxaa ay waafaqsan yihiin Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha Shakhsiyaadka Naafaqada ah/the United Nations Convention on the Rights of Persons with Disabilities (UN-CRPD, 2006), kaas oo hubinaya in xuquuqo la mid ah kuwa dadka kale ay yeeshaan dadka naafaqda ah, oo ahna qaab ay dalalku ku siiyaan macluumaad ku saabsan jaangooyooyin xuquuqda aadanaha ee ay tahay in la ixtiraamo, la dhowro oo lagana dhex fuliyo xarumaha caafimaadka maskaxda iyo kuwa daryeelka bulshada. Ujeeddooyin Iyada oo looga dan leeyahay wanaajinta xaaladda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya, ayaa ujeeddooyinka buuggan ay yihiin kuwan soo socda: • Sii wanaajinta tayada adeegyada iyo xaaladaha xuquuqaha aadanaha ee xarumaha bukaan-jiifka iyo kuwa bukaan-socodka ee caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya ku yaalla. • Dhisidda kartida loo adeegayaasha, qoysaskooda iyo shaqaalaha caafimaadka ee Soomaalida ah si ay u fahmaan oo ay u dhiirrigeliyaan xuquuqaha aadanaha iyo ka soo kabashada naafanimada dhinaca maskaxda. • In la dhiso dhaqdhaqaaq bulsho rayid ah oo ka kooban dadka qaba naafanimo maskaxeed si ay isu taageeraan, ay galaangal ugu sameeyaan ayna saameyn ugu yeeshaan geeddi-socodyo siyaasad-dejin waafaqsan jaangooyooyinka caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha. 6 7 • In ay sii amba-qaadaan dib-u-habeynta siyaasadaha qaran ee Soomaalida iyo sharci-dejin waafaqsan hab-dhaqannada ugu wanaagsan iyo jaangooyooyinka caalamiga ah ee xuquuqaha aadanaha. Qaabka uu u habeysan yahay buugga Cutubka 1aad waxaa uu bixinayaa macluumaad raad-raac ah iyo dulmar guud oo kooban oo ku saabsan Soomaaliya. Cutubka 2aad waxaa uu tilmaamayaa xaaladda caafimaadka maskaxda ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay sida Soomaalidu dhaqan ahaan ula tacaamusho bukaannada caafimaadka maskaxda iyo sidoo kale waxqabadyo kala duwan oo ilaa hadda la qabtey kuwaas oo lagu wanaajinayo caafimaadka maskaxda ee dalka. Cutubka 3aad waxaa uu si qodobbeysan u faahfaahinayaa liisto-hubineed loo sameeyey si loo hubiyo in xarun kasta oo caafimaad oo adeegyada caafimaadka maskaxda ku bixisa Soomaaliya ay xaqiijiso jaangooyooyinka iyo xuquuqaha aadanaha ee uu dhigayo Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqaha Shakhsiyaadka Naafada ah/ the UN Convention on the Rights of Persons with Disabilities. 6 7 1. Hordhac Bossaso Berbera Puntland Somaliland ETHIOPIA Garoowe South Central Beledweyne Mogadishu Galcaio KENYA Merca Hargeysa Kismaayo Baidoa 8 9 1.1. Raad-raac iyo dulmar guud oo ku saabsan dalka Tan iyo 1991, colaado iyo qaran-jab ayaa si weyn u saameeyey nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya. Ka dib burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalka sokeeye ee uu dalku galey, ayaa lagu guuleysan waayey dadaallo badan oo lagu doonayey in dib loogu soo celiyo dowlad dhexe. Xoogag awood leh oo ka jirey gudaha dalka iyo diinaamiyaad goboleed ayaa sababey in dalku uu jahawareer galo. Saameyntii ka dhalatey dowlad la’aanta waxaa ay sababtey in jiilal dhan aaney helin adeegyo bulsho iyo in ay dumaan hay’adihii caafimaadka iyo waxtarka bulshada. Dalka Soomaaliya waxaa uu dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba u qaybsan yahay saddex qaybood oo kala ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaailya, Somailland (waqooyi- galbeed) iyo Puntland (waqooyi-bari). Qaybahan waxaa ay u sii kala qaybsamaan 18 gobol. Sida ay sheegayaan qiyaasaha, saddex-meeloodow meel dadku waxaa ay ku nool yihiin degaamo magaalooyin ah halka saddex-meelood laba meel ay ku nool yihiin degaanno miyi ah. Dalku waxaa uu xudduud la leeyahay Kenya dhanka koonfureed, Itoobiya dhanka galbeed, Jabuuti dhinaca waqooyi, waxaana dhinaca bari uu kaga beegan yahay Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Xuduudiheeda badan iyo xeebteeda dheer, oo ay ku yaallaan dekado badan, ayaa macnaheedu yahay in Soomaaliya ay muddo dheer ahayd xarun ganacsi oo muhiim u ah soo-dejinta iyo dhoofinta badeecooyinka, oo ay ka mid tahay kootarabaanka xuduudaha laga gudbiyo. Xeer u dejinta iyo gacan ku qabashada isu-socodka badeecooyinka ayaa weligeed ahayd mid aad u adag, gaar ahaan waqtigaan oo aannu jirin maamul shaqeeya. Dadka Soomaaliyeed dhaqan ahaan waa reer-guuraa waxaana xataa maanta qayb badan oo ka mid ahi ay aasaasi ahaan yihiin reer-guuraa. Xoolo-dhaqatadu waxaa ay aasaasiyan ku nool yihiin noloshaan reer-guuraanimada, iyaga oo xoolahooda mar walba geeya dhul daaqsimeed cusub. Dadka reer-miyiga ah waa laba nooc, taas oo qayb ahaan ku saleysan maciishaddooda, xoolo-raacato, beeralley-xoolo-raacato ah iyo dadka webi-ku-noosha ah (oo deggan dhul beereed badanaana dalagyo beerta). Intaa waxaa dheer, ilaa saddex-meeloodow meel dadka waxaa ay deggan yihiin magaalooyin oo tiro badanna waa dad gudaha ku barokacay, kuwaas oo ah dhibbanayaal colaado badan oo dalka ka dhacay. 8 9 2. Xaaladda Caafimaadka Maskaxada ee Soomaaliya Ceebsashada, Qoyska & Bulshada LOO Qofka oo Dhibaato ADEEGAYAASHA waaya dakhli, xannuun badan hoy, sharafta qof oo soo martey CAAFIMAADKA ahaaneed iyo MASKAXDA rajada Isticmaal Maan-dooriye 10 11 2.1. Guud-mar Ereyga ‘Xannuun Maskaxeed’ ayaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo qayb ballaaran oo naafanimo ah, sida isku-buuqidda (murugada/major depression, iyo urugada/dysthymia) iyo noocyada kala duwan ee walaaca (sida walaaca guud/generalized anxiety disorders, iyo walaaca ka dhasha dhibaato qofka soo gaartey/ post-traumatic stress disorder). Tilmaanta ka wada dhexeysa dhammaantood waa in dareenka qofku aannu sugneyn/ jahawareersan yahay, oo badanaa ay weheliso garaadka qofka oo wareer ku yimaado sida welwel aad u badan, si khaldan u fekerid iyo calaamado xannuun aan la garaneynin (oo badanaa loola tago xarumaha daryeelka caafimaadka asaasiga ah). Xanuunka maskaxda caadi ahaan Soomaalidu waa ay diidaan waana ay takooraan. Intaa waxa dheer ka fekeridda in cusbitaal qof loo seexiyo cudurrada maskaxdu ayaa aad ceeb ugu ah dhaqanka Soomaalida. Caadi ahaan ilaa qofku uu xanuunsado ama, tusaale ahaan, uu waasho (Psychosis) ama uu gabo daryeelidda naftiisa ma dhacdo in loo geeyo Dhakhtar caafimaadka maskaxda ama laga fekero in in la siiyo Daryeelka Caafimaadka Nolosha (Biomedical Health Care). Sida dhaqanka Soomaalidu yahay, waxaa ay u badan tahay in qofku uu ka cawdo xanuun jireed halkii marka uu isku arko calaamado xanuun maskaxeed uu dhakhtar ula imaan lahaa, 10 Loo adeegayaasha Caafimaadka Maskaxda oo qaadanaya casharro waxbarasho sidaana ku soo nooleynaya fikirkooda11 (© GRT/Julie Taylor) sida marka uu qofku isku arko calool-xumo iyo murugo. Calaamadahan nafsaaniga ah waxaa badanaa lagu gartaa cabashooyin jir ahaaneed sida madax-xannuun, xabad-xannuun, dhidid, halmaan badan oo ay weheliso hurdo-la’aan iyo qarow. Fikrado/ereyo cusub