View Resource
Total Page:16
File Type:pdf, Size:1020Kb
Meelo tegida gaadhi la’aan Somali MAARSO 2010 Tusmada Go’aanka ah inay ammaan tahay sii wadida gaari kaxeynta iyo in kale 4 La macaamilada go’aanka 5 Ka waran haddii aan leeyahay gaari? 5 Gaadiidka dadweynaha 7 Kaa caawintaada qorsheynta safarkaaga 7 Meeshii aad ka iibsan lahayd Metcards iyo Myki 8 Lacag ka dhimista gaadiidka dadweynaha 9 Ku safrida bilaash Axadaha 9 Victorian Seniors Card (Kaadhka Dadka Da’da ah ee Fiktooriya) 9 Australian Pensioner Concession Card (Kaadhka lacag dhimista ee Hawlgabka Australiyaanka ah) 9 Health Care Card (Kaadhka Daryeelka Caafimaadka) 10 Companion Card (Kaadhka Wehelka ah) 10 Vision Impaired Travel Pass (Ku safraha Dadka Araga dhiman) 10 Veterans ( Dadka u soo Dagaalamay dalka) 10 Adeegyada Taksiga 11 Qorshaha Kabida Taksiga 11 Socodka iyo baaskiil wadashada oo ah siyaalo caafimaad leh oo safar 12 Taxadar markaad safreysid 12 Baaskiil wadasho 13 La safrida saaxiibo, deris iyo qoyskaba 14 Gaadiidka Bulshada 15 Qalabka Dhaqdhaqaaqa ee Matoorka leh 16 Caawimaada iyo tallo dheeraad ah oo ku saabsan meelo tegtegida 17 Seniors Information Victoria (Macluumaadka Dadka waaweyn ee Fiktooriya) 17 Commonwealth CareLink (Xiriirka Daryeelka ee Dawlada Dhexe) 17 Travellers Aid Society (Bulshada Caawimaada Safaraha ) 17 Council On The Ageing (COTA Vic.) Golaha Gabowga (COTA Vic) 18 Melbourne Mobility Centre (Xarunta Dhaqdhaqaaqa Melbourne) 18 2 3 Adeegyada aad ka isticmaali karto guriga adoo jooga 19 Waxaad soo gadato oo guriga laguugu keeno. 19 Cuntooyinka oo guriga laguugu keenayo 19 Bangi ku isticmaalida taleefanka iyo interneetka 19 Bixinta biilasha 19 Barashada isticmaalka interneetka si loo baajiyo wakhti iyo safarba 20 Barnaamijka Isticmaalka Interneetka Dadweynaha 20 Guryaha Neighbourhood ka iyo Xarumaha Waxbarashada 20 Maktabadaha Dadweynaha 21 Jaamacadda Da’da Seddexaad (U3A) 21 Macluumaadka Dumarka ee WIRE 21 Xafiisyada Dawlada Hoose 21 Daryeelka caafimaadka oo la hagaajiyey dartii dadku waxay noolaanayaan wakhti ka dheer waxayna noolaanayaan nolol aad uga firfircoon. Tani waa mid abaalmarineysa qofka shakhsiga ah oo siineysa aqoon qani ah iyo khibrad bulshada inay qaadato ah. Firfircoonaanta iyo ka qaybgelida nolosha bulshada waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga iyo fiyoobidaada. Isticmaalida gaadiidku waxay lagama maarmaan u tahay firfircoonaanta. Haddii aadan gaari kaxeyn, waxay kuu keeneysa loolan dhab ah , laakiinse waa suurtogal inaad meelo mar marto oo noqoto mid dhaqdhaqaaq sameeya. Buuggan yarka ah wuxuu ka kooban yahay macluumaad ku saabsan habka laysan siinta ee Fiktooriya. Iyo tiro fursado kala duwan ah oo safar iyo fikrado loogu talagalay dadka aan baabuurta wadin. Go’aanka ah inay ammaan tahay sii wadida gaari kaxeynta iyo in kale Iyadoo aysan la mid ahayn gobolada kale, nidaamka laysan siinta ee Fiktooriya wuxuu ku saleysan yahay qofka awoodiisa uu si ammaan ah baabuurka ugu kaxeysnayo. Ma laha imtixaan dib loogelayo oo uu leeyahay laysan cusbooneysiintu oo ku saleysan da’da darawalka. Dadku waxay ku kaxeyn karaan baabuurta da’a kasta ilaa intay si ammaan ah ku wadayaan. Go’aanka ah in lagu yareeyo ama lagu joojiyo gaari kaxeynta waxaa badanaa sameeya darawalka. Tan waxaa laga yaabaa inay tahay sababtoo ah gaari kaxeyntu waxay noqoneysaa mid dhib leh ama welwel badan, ama iyadoo la raacayo tallada xubin qoyska ka mid ah, saaxiib ama dhakhtar. Darawaliinta da’a kasta jira waxay yeelan karaan xaalado caafimaad oo saameeya awoodooda ay si ammaan leh gaari ugu kaxeyn lahaayeen. Xaaladahan waa in loo sheegaa VicRoads. Dhakhaatiirtuna waxay ka talin karaan xaaladaha loo baahan yahay in la sheego. Nidaamka laysan bixinta Fiktooriya wuxuu sidoo kale isku haleynayaa bulshadu inay kala soo xiriirto wax ku saabsan darawaliinta loo maleynayo inaysan ammaan lahayn gaadhi wadid. Xaaladahan warbixinta caafimaadka ayaa la codsadaa waxaana laga yaabaa in la sameeyo dib u imtixaanid. Nidaamkan waxaa laga yaabaa inuu keeno in laysanka la hakiyo ama la kansalo. 4 5 La macaamilida go’aanka Ogaanshaha inaadan intaa ka badan aadan gaadhi wadi karin waxay keeni kartaa dareen ah in xoriyadii aad lumisay oo kale iyo madaxbanaanidii. Waxay sidoo kale noqoneysaa mid niyad leh oo ay adag tahay inaad qiyaasto nolol aan lahayn gaari kaxeyn siday ahaan doonto. Waxa muhiimka ah waxaa weeye in aadan ogolaanin in tayada noloshaadu dhibtooto. Sahami dhamaan fursadaha buuxa ee aad heli karto qorsheysana sidii aad u sii wadi lahayd inaad bulsheyso, aad sii lahaato hiwaayadaada iyo waxyaalaha aad xiiseyso, biilashaada ku bixiso wax iibsina aad sameyso. Waxaa laga yaabaa inay jirto hal xal wax ka badan oo uu leeyahay baahida gaadiidkaagu. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad isticmaasho fursado kala duwan iyadoo ku xiran meeshaad u socoto iyo markaad safrayso. Isticmaal macluumaadka ku qoran buuggan yar si uu kaaga caawiyo qorsheynta safarka. Caawimaad iyo tallo ayaa laga heli karaa ururada ku qoran warqadan. Ka waran haddii aan leeyahay gaadhi? Haddii aad go’aansatid inaad iibiso gaadhigaaga, waxaad u isticmaali kartaa lacagta inaad ku maalgeliso siyaalo kale oo aad ku safartid, sida gaadiidka dadweynaha, halkan waxaa ku qoran waxoogaa tallooyin ah oo ku caawinaya. ka hor intaadan iibin, jeegaree qiimaha gaadhigaaga adoo isticmaalaya xayeysiinta baabuurta ee wargeyska maalinlaha ah tusaale ahaan. Waxaad sidoo kale eegi kartaa website-yada xaafada ee interneetka gawaadhida ku gada ama hel nuqulka bilaashka ah ee buugga yar ee Better Car Deals: A guide to buying, owning & selling a car (macaamilada fiican ee baabuurta, tusaha iibsiga, lahaanshaha & iibinta gaadhi), Naadiga Baabuurta Boqortooyada ee Fiktooriya (RACV), Consumer Affairs Victoria (Arimaha Macaamiisha ee Fiktooriya) ama Rugta Ganacsiga ee Baabuurta Fiktooriya (Victorian Automobile Chamber of Commerce (VACC)). Buuggan yar waxaa sidoo kale lagala soo bixi karaa: consumer.vic.gov.au si loo hubiyo inaad ku hesho qiimo cadaalad ah gaadhigaaga la tasho xubin qoyska ah oo aad ku kalsoon tahay ama saaxiib ka hor intaadan sameyn wax go’aan ah oo weyn. iyadoo ku xiran qiimaha gaadhigaaga waxaa laga yaabaa inaad go’aansato inaad siiso qof qaraabo ah ama saaxiib oo laga yaabo inuu u baahan yahay gaadhi. wax allaale wixii aad go’aansato inaad ku sameyso gaadhigaaga, hubi inaad u sheegto VicRoads haddii aad wareejisay lahaanshaha. Waxaad ka heli kartaa Transfer of Ownership foomka (wareejinta lahaansha) Xarunta Adeega Macaamiisha ee VicRoads xaafadaada ama kala soo bax interneetka ah: vicroads.vic.gov.au haddii aad go’aansato inaad u heysato gaadhigaaga si kuwo kale u isticmaalaan, xitaa mar mar, weli waxay u baahan tahay inay diiwaangashan tahay oo caynsan tahay. Xusuuso inaad xisaabiso kharashka heysashada gaadhigaaga oo ay ku jirto dayactirkiisa, caymiska iyo diiwaangelinta. Kuwan waxaa laga yaabaa in iskudarkoodu noqdo kharash aad u badan. 6 7 Gaadiidka dadweynaha Fiktooriya waxay leedahay nidaam gaadiid casri ah oo ah tareeno, taraamo ama basas oo kuu geyn kara goobaha badidooda si habsami ah. Magaaloweynta melbourne hal tigidh – Metcard- ayaa ku geyn kara meel kasta oo aad dooneysid inaad ku tagto tareen, taraam, bas ama isku darka kuwaas oo dhan. Myki, nidaamka cusub ee tigidhada oo ah mid waaraya, waxaa sidoo kale la helayaa smart card balaastig ah ayaa sidoo kale la helayaa. Dad badan ayaa isticmaala gaadiidka dadweynaha maalin kasta meeshii ay ka isicmaali lahaayeen gaadhi sababtoo ah way ka dhakhsa badan tahay, ka sahlan tahay aadna uga jaban tahay gaari kaxeynta iyo baarkin dhigashadaba. Haddii aadan weligaa ku safrin gaadiidka dadweynaha ama wakhti ka soo wareegay ilaa iyo intii aad isticmaashay, qorshee safar aad isla socotaan saaxiib ama xubin qoyska ka mid ah oo nidaamka yaqaan. Caawimaada qorsheynta safarkaaga wixii ku saabsan macluumaadka gaadiidka dadweynaha, caawimaada ku saabsan qorsheynta safarkaaga ama jadwalka iyo macluumaadka dariiqa safarka Tel: 13 16 38 Wixii ah tas-hiilaadka TTY Tel: (03) 9619 2727 Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaadka gaadiidka dadweynaha interneetka ah: metlinkmelbourne.com.au Isticmaal qorsheeyaha Safarka Metlink’s (Journey Planner) ee website ka si aad u qorsheyso safarka gaadiidka dadweynaha adoo isticmaalaya tareenada, taraamada iyo basaska. Journey Planner ayaa ku siinaya fursado kala duwan oo safar iyo jadwalada la xiriira. Meeshii aad ka iibsan lahayd Metcards iyo Myki Metcards iyo myki waxaa laga heli karaa: goobaha tafaariiqda (tusaale. Goobaha wargeyska iyo 7- eleven ka) xafiisyada tigidhka ee Boosteejooyinka Tareenka ee Waaweyn Mishiinada tigidhada Metcard ka iyo boosteejooyinka tareenka, taraamka dushiisa iyo basaska (oo doorasho xadidan leh). Mishiinada taraamka saaran waxay kaliya oo isticmaalaan qadaadiic/sunuud. Mishiinada ka waa weyn ee yaal boosteejooyinka ayaa aqbala lacagta warqada ah laakiinse waxay sarif ahaan kuu siin karaan oo kaleiya ilaa $10. Waxaa laga helayaa tasiilaadka EFTPOS mishiinada waaweyn ee boosteejooyinka tareenka. Miishinada Metcard ( lacagta dhan oo kaliya) MetShop ku yaal Melbourne Town Hall, geeska wadooyinka Swanston iyo Little Collins Wakiilada tighida iyo xarumaha V/Line ee la xushay Xarunta Booqdaha Melbourne ee Federation Square Xarunta soo saarida Myki ee Sourthern Cross Station Khadka taleefanka caawimaada Metcard ka Tel: 1800 652 313 ama Myki Tel: 13 69 54 Gal website ka: metlinkmelbourne.com.au ama myki.com.au 8 9 Lacag dhimista gaadiidka dadweynaha Dad badan ayaa xaq u leh lacag dhimis (lacag la dhimay) si ay ugu safraan gaadiidka dadweynaha. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan lacag dhimista gaadiidka dadweynaha kala xiriir Metlink Tel: 13 16 38 ama