Dib-u-eegidda Xiliyeedka Caalamiga ah United Nations Political Office for Somalia DIB-U-EEGIS XILIYEEDKA CAALAMIGA AH UNITED NATIONS POLITICAL OFFICE FOR SOMALIA (UNPOS) United Nations Political Office for Somalia Arar Dib-u-eegidda Caalamiga ah ee Marxaladlaha ah (UPR) waa hanaan wax la mid ah aan la arag oo dib loogu eego xaaladda xuquuqda aadanaha ee dhammaan 193ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay afartii sannaba mar. UPR waa hanaan ay dowladuhu horseed ka yihiin, waxaana abuuray Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wuxuuna hoos tagaa Golaha Xuquuqda Aadanaha (HRC), kaasoo dowlad weliba fursad u siinaya inay ku dhawaaqaan tallaabooyinka ay qaadeen si ay u hagaajiyaan xaaladda xuquuqda aadanaha ee ka jirta waddamadooda iyo si ay u fuliyaan waajibaadka ka saran xuquuqda aadanaha. Hanaanka UPR, oo mid ka mid ah astaamaha Golaha HRC, waxaa loogu talagalay in la xaqiijiyo in waddamada si sinaan ah loo la dhaqmo marka la qiimeynayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalalkooda. Ujeeddada ugu danbeysa ee laga leeyahay hanaankan cusub waa in sare loo qaado xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalalka oo dhan iyo in wax laga qabto ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha meel kasta oo ay ka dhacaanba. Soomaalia waxay ka qaybqaadatay Dib-u-eegidda Caalamiga ah ee Marxaladlaha ah (UPR) oo dhacay intii lagu gudajiray sannadkii 2011. Dowladda Soomaaliya waxay bishii May Golaha HRC u soo bandhigtay warbixinteeda qaran ee la xiriirta xaaladda xuquuqda aadanaha ee ka jirta Soomaaliya.Waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee dib-u-eegidda ka qaybgalaya ayaa ka dooday soona jeediyay talooyin si loo hagaajiyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee ka jirta Soomaaliya. Waxayna go’aankooda ku saleeyeen xogta warbixinta ku qoran, iyo weliba xogta laga helay dhinacyada ay arrintu khuseyso, xogta la ururiyay ee Qaramada Midoobay iyo xogta laga helay ilaha kale. Waxaa la soo saaray talooyin gaaraya 155, oo isugu jira kuwo la xiriira ansaxinta heshiisyada xuquuqda aadanaha, sameynta iyo xoojinta hanaanka sharci ee hay’adaha maamulka ee lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha, dhowridda sharciga caalamiga ee dagaallada, sharciga iyo kala danbeynta iyo la dagaallanka isla xisaabtan la’aanta, iyo kordhinta ilaalinta xuquuqda carruurta, dadka laxaadka la’ ama naafada ah, dadka da’da ah, dadka barakacayaasha ah iyo haweenka, iyo kuwo kaleba. Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka ee Soomaaliya waxay ogolaatay dhammaan talooyinkaas, si buuxda ama qaar ka mid ah, taasoo saameynteedu ay tahay in talooyinkan ka soo baxay dibueegidda ay hadda yihiin kuwo dhammeystira heshiisyada xuquuqda aadanada ee ay Soomaaliya xubin ka tahay si hore loogu sii wado xuquuqda aadanaha ee dalka. Tusmada Tuducyada Bogga Warbixin qarameedka la soo gudbiyay iyadoo la raacayo tuduca 15 1 (a) ee lifaaqa go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha 5/1 Somalia Kulmin uu diyaariyay Xafiiska Ergeyga Sare ee Xuquuqda Aadanaha 21 iyadoola raacayo tuduca 15 (b) ee lifaaqa go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha 5/1 Koobis uu diyaariyay Xafiiska Ergayga Sare ee Xuquuqda Aadanaha 38 Iyadoo la raacayo tuduca 15 (c) ee lifaaqa go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha 5/1 Somalia Warbixinta Koox Hawleedka ee Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalmaiga 57 ah Somalia Tixgelinta ay Dawladda Soomaaliya siisay 155kii Talo ee loo soo 86 Jeediyay Go’aanka 110 Warbixin qarameedka la soo gudbiyay iyadoo la raacayo tuduca 15 (a) ee lifaaqa go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha 5/1 Somalia A/HRC/WG.6/11/SOM/1 Golaha Xuquuqda Aadanaha Koox Hawleedka Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalamiga ah Kalfadhiga kow iyo tobnaad Geneva, 2–13 May 2011 Cutubyada Tuducyada ................................................................................................................... Bogga I. Manhajka iyo diyaarinta warbixinta .............................................................................3 II. Macluumaadka dahsoon, halbeegga iyo qaab-dhismeedka haya’daha xuquuqda aadanaha ....................................................................................................................4 A. Macluumaadka dahsoon ........................................................................................4 B. Qaab-dhismeedka qaanuuniga ah ee lagu ilaaliyo xuquuqda aadanaha .................7 1. Gogoldhigga Federaalka ku Meelgaarka GFKMG (TFC) .................................... 7 2. Xeer ilaalinta ....................................................................................................... 7 3. Golaha xeer-dejinta ............................................................................................. 8 4. Habka dastuur-dejinta ........................................................................................ 8 C. Heshiisyo goboleedka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ...................9 1. Xuquuqda Aadanaha ........................................................................................... 9 2. Sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada .......................................................... 10 3. Heshiisyo goboleedka ........................................................................................ 10 III. Taabbagelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha .......................................................11 A. Xuquuqaha rayidka iyo kuwa siyaasadeed ...........................................................11 1. Xuquuqaha nolosha, xornimada qofka iyo ammaanka ....................................... 11 2. Xukunka dilka .................................................................................................. 12 3. Gudniinka Dumarka ee Fircooniga (FGM) ....................................................... 12 4. Xorriyadda saxaafadda iyo muujinta (ra’yiga) .................................................... 12 B. Xuquuqaha dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka .................................................13 1. Xaqa cuntada .................................................................................................... 13 2. Xaqa caafimaadka ............................................................................................. 13 3. Xaqa waxbarashada ........................................................................................... 14 4. Xuquuqda naafada ............................................................................................ 14 5. Barakacayaasha ................................................................................................. 15 6. Dadka laga tirada badan yahay .......................................................................... 15 7. Wacyigelinta guud ee xuquuqda aadanaha ........................................................ 15 IV. Sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada ................................................................15 V. Carruurta askarta ah ..................................................................................................16 VI. Musiibooyinkii horay u dhacay, caddaaladda iyo dib-u-heshiisiinta ........................17 VII. Caqabadaha iyo seetooyinka ...................................................................................18 VIII. Mudnaanta, is-xilqaanka iyo ballanqaadyada ........................................................18 IX. Taageerada farsamo ee loo baahan yahay .................................................................19 Warbixin qarameedka la soo gudbiyay iyadoo la raacayo tuduca 15 (a) ee lifaaqa go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha 5/1 Somalia 3 I. MANHAJKA IYO DIYAARINTA WARBIXNTA 1. Dawladda Federaalka ku Meelgaaraka ah (DKMG) ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo hirgelinaysa go’aankii 60/251 ee Golaha Guud ee la dhaqangeliyay 15 March 2006, oo raccaysa wareegtada guud ee diyaarinta macluumaadka oo ku soo baxday magaca Dib-u- eegis Xilliyeedka Caalimga ah (go’aanka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee 6/102, soo baxay 27 September 2007), ayay diyaarisay Dib-u-eegis Xilliyeedka Caalimga ah DXC (UPR) ee xilligeedu taagan yahay. 2. Markii uu dhammaaday kulan-hawleedkii -DXC- (UPR) ee lagu qabtay Djibouti 15– 17 February 2011, oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Ergayga Sare ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) iyo Xafiiska Qarammada Midoobay ee Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayay DKMG oo kaashaneysa Jamhuuriyadda Djibouti iyo Italy, asaastay Guddi Hawleedka DXC (UPR) oo ka kooban Xafiiska Ra’iisalwasaaraha iyo wasaaradaha Arrimaha Gudaha; Caddaaladda; Haweenka iyo Arrimaha Qoyska; Arrimaha Diinta; Caafimaadka; Waxbarashada; Gaashaandhigga; Arrimaha Bulshada, Shaqada, Ciyaaraha, Dhallinyarada iyo Dhaqanka oo hoos imaanaya ku Xigeenka Ra’iisalwasaaraha ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Prof. Abdiweli Mohamed Ali. Guddi Hawleedka waxaa laga dhex sameeyay koox farsamo oo loo xilsaaray diyaarinta warbixinta. 3. Koobnaanta awooddooda warbixineed iyo waayoaragnimada ay u leeyihiin DKMG awgeed, ayaa kooxda warbixnta diyaarisay waxaa si aad ah hawsha uga caawiyay Omar Abdulle Alasow oo ku xeeldheer arrimaha Soomaaliya ahna la taliye madaxbannaan oo dhanka xuquuqda aadanaha caalamiga ah, iyadoo maalgelintu ay ka timid Xafiiska Ergayga Sare ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (OHCHR). 4. Guddi Hawleedka DXC (UPR) waxay 6dii March 2010, magaalada Muqdisho wadatashiyo kula yeesheen ururrada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya dhinaca xuquuqda aadanaha. Inkastoo DKMG ay rabtay in wadatashiga la sii ballaariyo oo lagu daro maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland, haddana taasi ma dhicin sababo la xiriira waqtiga iyo saadka oo koobnaa iyo Somaliland oo aan go’aan cad ka qaadan ka qaybgalka wadatashiga. 5. Dawladda Soomaaliya waxay si aad ah ugu mahadnaqaysaa Xeeldheeraha Madaxabannaan ee
Details
-
File Typepdf
-
Upload Time-
-
Content LanguagesEnglish
-
Upload UserAnonymous/Not logged-in
-
File Pages130 Page
-
File Size-