Jadwalka La yareeyay Hoos u dhigida adeegyada ku meel gaarka ah

King County Metro waxay yaraysay adeegga si loo yareeyo faafida cudurka COVID-19. Jadwalka La yareeyay ayaa sii wadi kara inuu isbadelo. Fadlan arag ilaha hoose ee xogtii ugu danbaysay ee ku saabsan marinnada iyo adeegyada, tilmaan ku aadan sida aad gaari ku raacayso, iyo dookhyada u furan macaamiisha qaba dhibaatooyinka dhanka socodka.

Waa maxay Jadwalka La yareeyay?

Metro waxay u guurtay Jadwalka La yareeyay xili gobalkeenu uu la dagaalamaayo COVID- 19. Hoos dhacyadaan ku yimid adeegyada ayaa loo sameeyay in lagu dhawro adkaysiga iyo joogtaynta nidaamka gaadiidka kaasoo awooda inuu dadka gobalkeena geeyo maalin kasta meeshay rabaan. Sida ku cad Jadwalka La yareeyay, community shuttles, , streetcar, iyo water taxi waxay socon doonaan dhaqdhaqaaq ka yar kii hore maalintii. Adeegga socdaalka ayaa sidoo kale bilaabi kara shaqada xili danbe subixii shaqadana joojin kara xili hore fiidkii. Marinada qaar iyo adeegyada taraansidka ma shaqayn doonaan, halka qaar kamid ah basaskuna ay waajihi doonaan joojinta socdaalka si kalikali ah.

Marinnada maalmaha asbuuca iyo adeegyada, laga bilaabo Juun 22, 2020

Marinada baska iyo adeegyada ee inta badan ama gabi ahaanba shaqaynaaya (Marinnada laga jaraayo laba socdaal ama ka yar) A Line, B Line, F Line, 8, 11, 21 Local, 24, 26, 31, 32, 33, 45, 48, 49, 50, 60, 62, 64, 65, 67, 70, 71, 73, 75, 101, 102, 105, 106, 107, 111, 120, 124, 125, 128, 131, 132, 148, 150, 153, 156, 164, 166, 168, 169, 180, 181, 182, 183, 187, 193, 204, 208, 217, 218, 221, 224, 240, 245, 255, 257, 269, 303, 304, 309, 311, 330, 331, 345, 346, 347, 348, 373, 631 (Burien Community Shuttle), 635 (Des Moines Community Shuttle), 901, 903, 906, 908, 914, 915, 916, 917, 930, Water Taxi Vashon route

Marinada basaska kooban ay mari doonaan iyo/ama la yareeyay saacadaha basasku shaqaynayaan C Line, D Line, E Line, 1, 2, 3, 4, 5 Local, 7, 10, 12, 13, 14, 21X, 27, 28, 36, 40, 41, 43, 44, 74, 118 & 119 (Wadooyinka Deegaanka ee Vashon), 212, 225, 226, 230, 231, 239, 241, 250, 271, 301, 372, 773 & 775 (Water Taxi Shuttles), 907, Water Taxi West routes, First Hill Streetcar, Link Light Rail, Via to Transit (aaga shaqada ee wax laga badalay)

Arag Safarada La baajiyay

Marinnada iyo adeegyada sida buuxda loo jaray 5X, 9, 15, 17, 18, 19, 22, 29, 37, 47, 55, 56, 57, 63, 76, 77, 78, 113, 114, 116, 118X &119X (Wadooyinka Degdega ah ee Vashon), 121, 122, 123, 143, 154, 157, 158, 159, 167, 177, 178, 179, 186, 190, 192, 197, 200, 214, 216, 219, 232, 237, 246, 249, 252, 268, 308, 312, 316, 342, 355, 628 (Snoqualmie Community Shuttle), 630 (Mercer Island Community Shuttle), 823, 824, 886, 887, 888, 889, 891, 892, 893, 894, 895, 910, 913, 931, 952, 980, 981, 982, 984, 986, 987, 988, 989, 994, 995, Black Diamond/Enumclaw Community Ride, Shoreline/Lake Forest Park Community Ride, Normandy Park Community Ride, Sammamish Community Ride, Juanita Area Community Ride, Bothell/Woodinville Community Ride, South Lake Union Streetcar

Marinnada iyo adeegyada maalinta Sabtida, laga bilaabo Juun 27, 2020

Marinada baska iyo adeegyada ee inta badan ama gabi ahaanba shaqaynaaya maalmaha sabtida A Line, B Line, C Line, D line, E Line, F Line, 1, 2, 3, 4, 5, 7, 8, 10, 11, 12, 13, 14, 21, 24, 26, 27, 28, 31, 32, 33, 36, 40, 41, 43, 44, 45, 48, 49, 50, 60, 62, 65, 67, 70, 71, 73, 75, 101, 105, 106, 107, 118, 120, 124, 125, 128, 131, 132, 148, 150, 156, 164, 166, 168, 169, 180, 181, 182, 183, 187, 204, 208, 221, 225, 226, 230, 231, 239, 240, 241, 245, 250, 255, 269, 271, 331, 345, 346, 347, 348, 372, 635 (Des Moines Community Shuttle), 901, 903, 906, 908, 914, 915, 916, 917

Marinnada iyo adeegyada la yaraynaayo socdaalkooda iyo/ ama la yareeyay saacadaha basasku shaqaynayaan maalmaha Sabtida First Hill Streetcar, Link light rail, Via to Transit (aagaga adeegga ee wax laga badelay) Arag Safarada La baajiyay

Marinnada iyo adeegyada sida buuxda loo jaray maalmaha Sabtida 22, 47, 249, 910, South Lake Union Streetcar, Water Taxi West Seattle route, Shoreline/Lake Forest Park Community Ride, Normandy Park Community Ride, Sammamish Community Ride, Bothell/Woodinville Community Ride Marinnada iyo adeegyada maalinta Axada, laga bilaabo Juun 28, 2020

Marinada baska iyo adeegyada ee inta badan ama gabi ahaanba shaqaynaaya maalmaha Axada A Line, B Line, C Line, D Line, E Line, F Line, 1, 2, 3, 4, 5, 7, 8, 10, 11, 12, 13, 14, 21, 24, 26, 27, 28, 32, 33, 36, 40, 41, 43, 44, 45, 48, 49, 50, 60, 62, 65, 67, 70, 73, 75, 101, 105, 106, 107, 118, 120, 124, 125, 128, 131, 132, 148, 150, 156, 166, 168, 169, 180, 181, 182, 187, 221, 225, 226, 230, 231, 239, 240, 241, 245, 250, 255, 271, 331, 345, 346, 347, 348, 372, 901, 903

Marinada basaska kooban ay mari doonaan iyo/ama la yareeyay saacadaha basasku shaqaynayaan maalmaha Axada First Hill Streetcar, Link Light Rail, Via to Transit (aagaga adeegga ee wax laga badelay)

Marinnada iyo adeegyada sida buuxda loo jaray maalmaha Axada 22, 47, 249, South Lake Union Streetcar, Water Taxi West Seattle route, Shoreline/Lake Forest Community Ride, Bothell/Woodinville Community Ride

Wadooyinka Badelka u ah

Sound Transit Link light rail hadda waxay shaqaynaysaa 20 daqiiqaba mar maalinta inteeda badan. Adeegyada Sounder iyo qaar kamid ah jadwalada marinada baska ST Express ayaa sidoo kale shaqo yarayn sameeyay. Macaamiisha basaska raacaysa waa inay buxiyaan fariimaha digniinta ee adeegga .

Access Barnaamijka Socdaalka Access waxa uu sii wadayaa shaqooyinka caadiga ah wuxuuna samaynayaa habraacyada jeermis dilida oo adag. Inta lagu jiro Jadwalka La yareeyay, Access ayay heli karaan dhammaan macaamiisha naafada ah oo aan awoodin inay u baxaan socdaalada muhiimka ah ayagoo raacaaya gaadiidka caadiga ah. Kuwaan waxaa ku jira macaamiisha naafada ah ee aan ka qornayn barnaamijka Access.

Fadlan ogsoonoow

Heerka adeega ee xulashooyinka dhaqdhaqaaqa Metro oo dhan had iyo jeer dib ayaa loohabeeyaa waxaana yimaada isbadelka maadaama Metro ay maqasho madaxda caafimaadka dadwaynaha waxayna aqoonsataa baahiyada dadwaynaha. Community Van Safarada Community Van ee socdaalada aasaasiga ah sida aadista kaydka cuntada ayaa sii socon doona illaa intay yihiin kuwo fudud waxaana jiro darawaliin mutadawiciin ah oo doonaaya inay sii wadaan adeegga darawalnimada ee bulshada:

• Bothell / Woodinville / UW Bothell • Duvall • Sammamish • Kenmore / Kirkland • Lake Forest Park / Shoreline • Vashon

Trailhead Direct Si looga falceliyo faafida cudurka COVID-19 ayadoo la raacaayo tilmaanta kasoo baxday Public Health – Seattle & King County (Waaxda Caafimaadka Bulshada – Seattle iyo King County), , iyo King County Department of Natural Resources and Parks (DNRP, Waaxda Degmada u qaabilsan Khayraadka Dabiiciga ah iyo Beeraha Raaxada), Trailhead Direct ayaa waqti xaadirkaan shaqada laga hakiyay.

Water Taxi Marinnada Vashon iyo West Seattle ayaa hadda ku shaqaynaaya jadwalada hoos ku qoran. Shuttles 773 iyo 775 ayaa shaqaynaaya, sidoo kale. Jadwalka wax laga badalay ee King County Metro Water Taxi ee socdaalka maalmaha shaqada asbuuca oo dhaqan galaaya Juun 22, 2020 MARINKA WEST SEATTLE

Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Pier 50 West Seattle Pier 50 West Seattle

5:55 AM 6:15 AM 3:25 PM 3:45 PM

6:30 AM 6:50 AM 4:05 PM 4:25 PM

7:05 AM 7:25 AM 4:45 PM 5:05 PM

7:40 AM 8:00 AM 5:25 PM 5:45 PM

8:15 AM 8:35 AM 6:05 PM 6:25 PM

8:50 AM 9:10 AM 6:45 PM 7:05 PM MARINKA VASHON ISLAND

Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Xiliga ay baxayaan Pier 50 Vashon Pier 50 Vashon

5:30 AM 6:10 AM 4:30 PM 4:58 PM

6:38 AM 7:10 AM 5:30 PM 5:58 PM

7:40 AM 8:15 AM 6:30 PM 6:58 PM

Seattle Streetcar waxay kusii shaqayn doontaa jadwalka la yareeyay.

• First Hill Streetcar waxay ku shaqayn doonaan jadwalada 15-daqiiqo ee wadada hore ah Isniinta illaa Sabtida inta lagu jiro saacadaha shaqada ee la yareeyay, 5:30 a.m. ilaa 8:30 p.m. wax isbadelo ah kuma dhacaayaan saacadaha shaqada maalmaha Axada ah iyo maalmaha fasaxa walina waxay basasku shaqayn doonaa laga bilaabo 10 a.m. ilaa 8 p.m. • South Lake Union Streetcar ma shaqayn doonaan illaa ogaysiis danbe lagasoo saaro.

Wakaaladaha kale ee socdaalka

• Island Transit • • Sound Transit • South Lake Union Streetcar •

Hel xogtii ugu danbaysay ee socdaalka

Fariin Qoraal ah u Dir si aad u hesho Xiliyada Socdaalka Hel waqtiyada socdaalka xigga baxaayo adeegyada socdaalka adoo fariin qoraal ugu diraaya aqoonsigaaga astaanka baska lambarka 62550. Waxaad heli doontaa fariin jawaab ah oo kuu sheegaysa xiliyada xigga ee socdaaladu baxayaan ama socdaalada laga joojiyay astaankaas aad codsatay. Waxaad ka heli kartaa aqoonsigaaga astaanka baska qaybta saxiixa astaanka baska ama aalada Trip Planner. Adeegso aalada Trip Planner Gudaha aalada Trip Planner, dooro "Next Departures (socdaalka xigga)", kadibna gali ciwaanka goob, isgoyska, ama wado laami ah magaceed kadibna ka dooro goobta aad rabto khariirada dhexdeeda ama liiska hoos kasoo baxaaya. Natiijooyinka Trip Planner ayaa ku tusinaaya waqtiyada jadwalka ku jira ama la filaayo ee bixitaanka iyo socdaalo kasta oo la joojiyay.

Hel caawimaad khadka taleefanka ah oo luuqadaada lagugula hadlaayo Si aad u hesho caawimaad lagaa siiyo qorshaynta socdaalkaaga iyo xogtii ugu danbaysay ee Jadwalka La yareeyay, fadlan la xariir Xarunteena Wicitaanka oo aad ka wacayso 206-553- 3000 (WA Relay 711) laga bilaabo Isniinta ilaa Jamcada, 6 AM ilaa 8 PM. U adeegso lambarkaan caawimaad lagaa siiyo qorshaynta socdaalkaaga oo uu kaa caawinaayo turjumaan. Markad wacdo, fadlan sheeg luuqada aad ku hadasho kadibna qofka taleefanka kaa qabta ayaa kugu xariirinaaya turjumaan. Nagasoo wac lambarka 206-553-3000 WA Relay: 711

Iskaqor farimaha la xariira socdaalka Xili hore is qor si aad u hesho fariimaha ogaysiiska ah oo kuugusoo dhacaaya iimeelka, fariin qoraal ahaan, ama labadaba.

Twitter Nagala soco aalada Twitter si aad u hesho xogtii ugu danbaysay. Qoraalada ay soo saarto Metro Matters Akhri qoraalada ay soo dhigto Metro blog ee ku aadan sida Metro uga jawaabayso fayraska cusub ee korona (COVID-19).

Tallooyinka Adeegga Hel fariimaha gaarka u ah marinnada. Fadlan ogsoonoow in talooyinkaan aysan ku jirin joojinada adeegyada heer socdaal, isbadalada, ama dib u dhacyada.

Fadlan ogsoonoow Inta lagu jiro Jadwalka La yareeyay, qalabka qorshaynta xogta macaamiisha iyo aaladaha qoloda saddexaad ayaa qaldi kara adeegyada Metro iyo Sound Transit. Ma muujinayaan hoos u dhacyada lagu sameeyay Jadwalka La yareeyay ee Metroam Sound Transit. Nidaamyadu waxay wali ku siin karaan xog muhiim ah, sida khariiradaha iyo xogta kastanada baska. Sida loo dhawro caafimaadkaaga tahay markaad saaran Metro

Fadlan difaac naftaada, dadka kale ee rakaaba ah, iyo shaqaalaha Metro:

• Joog guriga haddii aad jiran tahay. • Xiro maaskaraati ama gafuur xir. • Si joogto ah u dhaq gacmahaaga oo adeegso gacmo nadiifiye. • Dabool qufacaaga ama hindhisadaada.

Fadlan "ka fogoow dadka kale" markaad raacayso gaadiidka:

• Ka fogoow 6 fiit (1.8 mitir) dadka kale markaad joogto astaanada baska, meelaha baska lagu sugo, dakadaha doomaha dadka qaada, astaannada RapidRide iyo Streetcar/Light Rail, iyo xarumaha socdaalka. • Basaska waxaa lagusoo koobayaa midkood 12 ama 18 rakaab ah ayadoo ku xiran xajmiga baska. • Kuraasta qaar ayaa la xiray si loo abuuro bad dheeraad ah oo u dhaxeeya dadka rakaabka ah. • Fadlan xiro maas garaati ama gafuur xir si aad u difaacdo naftaada, dadka kale ee rakaabka ah, iyo shaqaalaha Metro. • Metro waxay si ku meel gaar ah u hakisay lacagaha laga qaado rakaabka, marka haka walwalin inaad qorto kaarkaaga ORCA ama inaad haysato biilal ama shilimaad. • Ka fuul baska dhanka albaabka danbe, ilaa inaad u baahan tahay maahee xakabada curyaanka, meesha lagu gurguurto, ama kursi gaar ah. Haddii aad u baahan tahay inaad adeegsato xakabada curyaanka ama baska hoos laguugu dhigo si aad u gasho ama badqabkaaga awgiis, fadlan ku sug albaabka hore oo ka codso darawalka. • Intaad baska saaran tahay, fadlan ka danbee xakabadaha dhawaan la rakibay ee "difaacyada badqabka" una dhaaf qaybta hoose rakaabka u baahan kuraasta gaarka ah. Marka aad saaran tahay baska, ka fogoow Ugu yaraan istaag meel inta ugu badan ee aad awoodo qofka kuugu dhaw u jirta 6 fiit (1.8 mitir) dadka kale sida ugu macquulsan. marka aad sugaysid baskaaga Ugu yaraan Ugu 6 yaraan fiit 6 fiit

Sidee ayay u egtahay badka lixda fiit ee "Kala Fogaanshaha Dadka" ee gudaha gaadiidka?

• Astaanada baska, meelaha baska lagu sugo, dakadaha doomaha dadka qaada, astaannada RapidRide iyo Streetcar/Light Rail, iyo xarumaha socdaalka, inaad ugu yaraan 6 fiit u jirsato dadka kale waa badka kuu ka fadhiyo oo kale kursiga fadhiga. • Markaad basaska saaran tahay, kala fogaanshaha dadka waxaa laga wadaa in hal qof ku fadhiyo halkii wareeg kasta oo kuraas ah. • Markaad saaran tahay Streetcar iyo Link light rail, kala fogaanshaha dadka waxaa laga wadaa in hal qof ku fadhiyo halkii wareeg kasta oo saddexaad oo kuraas ah. • Markaad saaran tahay Water Taxi, kala fogaanshaha bulshada waxaa laga wadaa ku dhawaad hal qof inuu fariisto layn kasta, ayadoo ay ugu yaraan 3 kursi u dhaxeeyaa dadka rakaabka ah ee saaran layn kasta.

Xogaha la xariira

Talaabooyinka badqabka bulshada ee adeegyada kale ee Metro si looga hortago COVID waxaa kamid ah: • In maalin kasta daawada jeermiska lagu dhaqo basaska iyo gaariyaasha/caasiyaasha socdaalka, • Dajinta Department Operations Center (Xarunta Waaxda Shaqooyinka) si loo hago kahortaga boobsiiska ah, iyo • In si ku meel gaar ah oo xiro xafiisyada ay macaamiishu adeegga tooska ah u doontaan oo lagu badalaayo dookhyada taleefanka iyo oonleenka. • In si adag loogu taliyo in shaqaaleheena khatarta wayn ugu jira cudurka ay guriga joogaan si loo dhawro caafimaadkooda loona adkeeyo xeerarkeena fasaxa mushaarka lagu qaato, iyo • Abuurista gudigga nadiifinta oo u taagan jawabata degdega ah iyo hormarinta joogtada ah ee nadaafada. Dadaalkeena

Ayadoo inta badan macaamiisha Metro ay haystaan dookhyo kale ayna dooran karaan gaadiid, kuwo badan oo kale ayaa aad ugu tiirsan--ama si gaar ah ugu tiirsan--gaadiidka, sidaas awgeed go'aanada la xariira meesha iyo marka aan yaraynayno adeegga ayaan ahayn kuwo si fudud lagu gaaray. Metro waxay u samaysay hoos u dhacyada si ay adeegyada qaar ugu balaariso wadooyin badan inta macquulka ah, ayadoo og in dadku ku tiirsan yahay wadooyinkaan si ay u tagaan xarumaha caafimaadka, dukaanada adeegga, shaqada, iyo goobaha kale ee muhiimka ah. Metro waxay si firfircoon ugala hadlaysaa kooxaha bulshada ee wakiilka ka ah bulshooyinka ay u badan tahay inay ku tiirsan yihiin gaadiidka, ayna ku jiraan dadka wakiilka ka ah macaaamiisha qaba caqabadaha helitaanka gaadiidka. Metro waxay lasii shaqayn doontaa kooxahaas si loo fahmo baahiyahooda socdaalka loona go'aansho sida ugu fiican ee adeeg loo siin karo waqtigaan.

kingcounty.gov/metro 206-553-3000