Is-beddello lagu sameeyay tillaabooyinki heerka gobol ee gobolka iyo degmada Gran

Bishii Maarso 16-keedi ayay dawladdu tillaabooyin heer gobol ah ku soo rogtay degmooyinka gobolka Viken oo dhan iyo degmada Gran ee gobolka Innlandet. Dhammaan 52-da degmo waxaa la geliyay tillaabada heerka A, taas oo ah heerka tillaabada ee ugu adag. Dawladdu waxay, kaddib markii ay sidaas ku taliyeen Agaasinka caafimaadka, Machadka caafimaadka dadweynaha iyo guddoomiyaha gobolka, go’aamisay in ay 20 degmo ku sii jiraan tillaabada heerka A, 19 degmana ay galaan tillaabada heerka B, meesha 13 degmo laga qaaday tillaabooyinkii heer gobol. Is- beddeladu waxay dhaqangelayaan laga billaabo saqda dhexe habeenka isniinta ee 12-ka Abriil – waxayna soconayaan ilaa iyo axadda 25-ka Abriil.

- Tirada dadka cudurka qaadaya ee gobolka Viken hoos ayay u dhacday muddadaan danbe, taas oo muujinaysa in ay shaqeeyeen tillaabooyinkii la soo rogay 16-kii Maarso. Laakiin degmooyin badan ayay weli ku badan yihiin dadka cudurka qaadaya. Degmooyinkaan ayaa weli ku sii jiraya tillaabooyinkii heerka gobol, ayaga oo ku jiri doona tillaabada heerka ee ay hadda ku jiraan ama tillaabada heerka B, ayuu yiri Bent Høie oo ah wasiirka caafimaadka- iyo daryeelka.

Agaasinka caafimaadka, Machadka caafimaadka dadweynaha, Guddoomiyaha gobolka iyo Viken iyo degmooyinka ay arrintu khuseyso si fiican ayay arrinta isaga wareysteen. Degmooyinka badankooduna waa ay taageersan yihiin talada.

Degmooyinka soo socda waxay ku sii jirayaan tillaabada heerka A: , Bærum, , , , , , Lier, Lillestrøm, Lørenskog, Moss, , Nes, , , Rælingen, Råde, , iyo Ås. Halkan ka eeg jaantuska tillaabada heerka A (Tillaabo heer aad u adag, oo ku salaysan xeer-hoosaadka covid-19 cutubka 5A)

Degmooyinkaan waxaa laga soo celiyay tillaabada heerka A oo waxaa la geliyay tillaabada heerka B: -Høland, , , Hole, , , Indre Østfold, , , , Marker, , , , , , , Våler iyo Øvre . Halkaan ka eeg jaantuska tillaabada heerka B (Tillaabo heer adag, oo ku salaysan xeer-hoosaadka covid-19 cutubka 5B)

Degmooyinkaan waa laga qaaday tillaabooyinkii heerka gobol: , , Flå, Gol, , , Krødsherad, , Nore og , , iyo Ål oo ku yaalla gobolka Viken iyo degmada Gran oo ku taalla gobolka Innlandet. Degmooyinka ku jirey tillaabada heerka A (tillaabo heer aad u adag) ee la geliyay tillaabada heerka B (tillaabo heer adag) waxaa ka dhici doona is-beddellada soo socda:

• Isboortiga- iyo firfircoonida wakhtiga firaaqada la yahay ee gudaha ka dhaca waa loo oggol yahay carruurta iyo dhallinyarada ay da’doodu ka yar tahay 20 sano, waxaa ayadana meesha laga saaray mamnuuciddii firfircoonida abaabulan ee dibedda ka dhacda ee dadka ka weyn 20 sano.

• Dukaammada, suuqyada iyo dukaammada waaweyn waa furnaan karaan. Waxaa dadweynaha lagula talinayaa in ay ka adeegtaan suuqyada iyo dukaammada waaweyn ee u dhow.

• Makhaayaduhu/goobaha laga cunteeyo/cabo waa ay furnaan karaan, laakiin lama oggola in ay khamri iibiyaan.

• Hoolasha dabbaasha, goobaha dabbaasha iyo biyaha lagu ciyaaro, goobaha jirduugista biyaha la isticmaalayo, hoolasha dabbaasha ee hoteellada iyo wixii la mid ah waxaa loo furayaa dabbaasha iskoollada, tababbar/koorso dabbaal oo abaabulan looguna tala galay dadka ka yar 20 sano – iyo dabbaasha ciyaartoyda xirfadlayaasha ah, iyo baxnaaninta, tababbarka iyo daaweynta qofka gaarka ah la siinayo.

Is-beddello ku-meelgaar ah oo lagu samaynayo tillaabada heerka A iyo qiimayn guud oo lagu samaynayo heerarka tillaabooyinka

Ujeeddada laga lahaa tillaabada heerka A waxay ahayd in la helo tillaabooyin aad u adag oo socon karana muddo laba ilaa saddex toddobaad ah, kuwaas oo lagu soo rogo gobol marka uu cudurku uga dillaaco si weyn oo aan xad lahayn. 20-ka degmo ee gobolka Viken ee ku sii jiraya tillaabada heerka A ayaa ay dadweynaha degmooyinkaas ku dhowaad lix toddobaad oo kale weli ku sii jirayaan tillaabooyinkaas heerka adag.

– Tillaabooyinkan heerka ugu adag ah ee weli lagu sii jirayo ayaa culays aad u badan ku ah dadweynaha 20-kan degmo. Ujeeddadu ma ahayn in ay tillaabooyinka heerka A socdaan muddo sidaan u dheer. Dhinaca kale marka la eego, tillaabooyinka heerka B waxay noqonayaan kuwo intii loo baahnaa ka debecsan marka la eego xaaladda khatarta ah ee degmooyinkaan ka jirta. Sidaas darteed ayaa Agaasinka caafimaadka iyo Machadka caafimaadka dadweynaha loo igmaday in ay qiimeeyaan is-beddello ku-meelgaar ah oo lagu sameeyo tillaabooyinka heerka A oo dhaqangeli kara toddobaadka soo socda si wax looga qabto arrinta sare, ayuu yiri Høie.

Agaasinka caafimaadka iyo Machadka caafimaadka dadweynaha waxaa sidoo kale loo igmaday, ayadoo la siiyay wakhti kaas hore ka yara dheer, in ay qiimayn guud iyo is-beddelo ku sameeyaan dhammaan saddexda heer ee tillaabooyinka heerka gobol (Tillaabada heerka A, B iyo C).

- Weli waa loo baahan yahay tillaabada heerka A oo ah mid aad u adag si loogu adeegsado in si degdeg ah oo waxtar leh muddo gaaban gudaheed looga hortago meelaha uu mustaqbalka cudurku ka dillaaco. Waxay weliba tani muhiimad gaar ah yeelanaysaa marka ay dillaacaan noocyada fayraska ee laga yaabo in aan tallaalku difaacayn. Waxaa islamarkaana muhiim ah in si gaar ah loo eego tillaabada heerarka B iyo C, oo la eego in tillaabooyinkaan si wanaagsan loo waafajin karo xaaladaha ka jira qaybo ka mid ah gobolka Viken, halkaas oo muddo dheer loo baahan yahay tillaabooyin adag, ayuu yiri Høie.

Halkaan ka eeg jaantuska tillaabooyinka heerarka kala duwan.