Seattle City Light Wargeyska macaamilka Light Reading, Maajo-Juunyo 2010

Warqad socota agaasimaha City Light waxay isku haleysaa iibka quwadda korontada biyaha ee dheeraadka ah si ay yareesyo sicirada macaamiisha. Sannadkii la soo dhaafay, markii ay sicirada quwadda hoos u dhaceen, waxaa sido kale hoos u dhacay dakhliga soo gala City Light. Sannadkaan dhibaatada waxay ka socota cimilada. Waxaa yaraaday barafka saaran buuraha, sidaas daradeed jirin baraf badan oo dhalaala ama soo data. Taas macnaheeda waxay tahay in aan la soo saari karin quwad badan oo dheeraad ah oo la iibiyo. Sannadkaan, waxaan filaynaa in dakhliga quwadda dheeraadka ah uu hoos u dhici doono ilaa boqolkiiba 67.

Si loo soo af jaro shakigaan, Guddiga Magaalada Seattle waxay soo ogolaatay in City Light loo abuuro xisaabta dajisa sicirka. Qeyb ka tirsan taas ahaan, guddiga wuxuu ku heshiiyay in si ku meel gaar ah la kordhiyo sicirka macaamilka ilaa boqolkiiba 4.5 taaso hirgashay Maajo 1, 2010. Haddii loo baahdo, kordhinta sicirka waxay gaari doontaa 2011 ilaa xisaabta ka gaarto $100 malyan. Xagga macaamilka guryaha caadiga ah, qiyaas ahaan lacagta ku kordheysa waa $2 halkii bil.

Xisaabta waa in ay macaamiisha siiso daganaashada sicirka muddada dheer iyo waa in ay City Light siiso daganaashada dakhliga. Waxaa la isticmaali doonaa oo keliya marka dakhliga quwadda dheeraadka ah ka hoos maro heerarka la filaayo. - Agaasimaha Jorge Carrasco

Wararka keydka La soco isticmaalka korontada gurigaada City Light iyo Maktabka Dadweynaha Seattle (Seattle Public Library) waxay ku hawlan yahiin in maktabyada laga sameeyo siistem lagala socon karo quwadda guriga. Qalabka la socoshada wuxuu muujiyaa qiyaasta korontada ay isticmaalaan alaabta guriga taala si aad go’aan wanaagsan ugu gaartid sida loo keedsado quwadda. Waxaad maktabka kala socon kartaa qalabka lagu ogaado adiga oo isticmaala kaarka maktabka ee lacag la’aanta ah, kaasoo aad ka heli kartid maktab kasta oo ku yaal Seattle, ama internetka: www.SPL.org.

Lacagaha la soo celiyo iyo keydka Waxaad barnaamijka Lacagta Caddaanka ee Laga Bixiyo Qalabka (Cash for Appliances) ee gobolka Washington iyo barnaamijka WashWise ee City Light ka qaadataa lacagaha la soo celiyo ilaa $200 marka aad iibsatid makiinadaha dhar dhaqa ee ku wanaagsan dhaqaleynta quwadda. Gobolka wuxuu kaloo bixiyaa $75 oo ah lacagta laga soo celiyo qaboojiyeyaasha leh tayada ENERGY STAR®. Barnaamijka wuxuu socdaa ilaa Disembar 31, 2011 ama ilaa maaliyadda ka dhamaato. Booqo www.cashforapplianceswa.com si aad u heshid tilmaamaha ku saabsan sida aad gobolka looga helo lacagaha laga soo celiyo qalabka, iyo www.washwiserebate.com si aad u heshid lacaga ay soo celiso City Light. Waxaad kaloo fiirisaa iibiyeyaasha qalabka tafaraaruqa deegaanka.

Nalalka iftiinka lacag la’aanta ah Kuuboon ayaa la soo raacin doonaa biilkaada City Light ee Maajo-Juunyo. Isticmaal kuuboonka si aad dukaamada Bartell Drug ee ku yaala agagaarka adeegga City Light uga qaadatid nalka iftiinka floroshenka aruursan (CFL). CFLada waa cimri dheer yahiin waxayna isticmaalaan quwad ka yar nalalka iftiinka caadiga.

Si aad u heshid warar tafatiran oo ku saabsan sheekooyinkaan, wac khadka kaalmada Energy Conservation Help Line oo laga helo telefoonka 206-684-3800 ama booqo bogga internetka: www.seattle.gov/light/conserve/.

Wararka iyo munaasabadaha

Xaafadaada: Shaqada City Light City Light waxay ka shaqeeysaa xaafadahaan si aad u heshid adeeg leysku haleyn karo: - in khadadka korontada keena laga qaado 1st Ave. S. loona wareejiyo Occidental Ave. S..; laga qaado Railroad Way loona wareejiyo King St.; - waxaa socda mashruuca dib u gelinta nalalka waddada ilaa Disembar, laga bilaabo waqooyiga Denny Way ilaa . 65th. Booqo bogga internetka mashariicdena dhismaha kaddibna riix calaamadda dhismaha gaduudan si aad u heshid tafasiil: www.seattle.gov/light/const_mgmt/

Waxaa la joojiyay Skagit Tours Waxaa la joojiyay barnaamijka safarada Skagit Tours sannadka 2010 taasoo ugu wacan hoos u dhaca ku yimid miisaaniyadda iyo dhimista lagu sameeyay shaqaalaha. Waxaa la qorsheyay jadwal cusub sannadka 2011. Iminka, waxaad weli booqan kartaa gobolka sare Skagit River. Si aad u heshid fikrado ku saabsan waxa la daawado iyo waxa halkaas laga sameeyo, booqo boggagaan internetka: North Cascades National Park - www.nps.gov/noca/index.htm; The North Cascades Institute - www.ncascades.org/.

Waxaan nahay hoggaamiyaha LED Fiilooyinka sii daaya iftiinka (LEDyada) waxay keydiyaan quwadda waana ka cimri dheer yahiin nalalka caadiga, waxaana helnaa siyaabo cusub oo loo isticmaalo farsamada. Waxaan kooxda kubadda baseballka Mariners kala shaqeynay boor LED cusub oo lagu qoro buundooyinka kuna wanaagsan quwadda. Tartiib tartiib, City Light waxay ku hawlan tahay in ay ku wareegto nalalka wadooyinka LED. Bacdama la aqoonsan yahay hoggaaminta City Light xagga farsamada LED, Waaxda Quwadda Mareykanka waxay City Light u dooratay in ay hoggaamiso isutag oo dawladaha hoose siisa macluumaadkii ugu dambeeyay xagga nalalka wadooyinka LED. Waxaad in badan ka ogaan kartaa http://tinyurl.com/la3dfn Bandhigga Cagaarka 2010 Raadi bandhigga City Light ee laga helo Bandhigga Cagaarka 2010 kaasoo bisha Juunyo 5 iyo 6 lagu qaban doono xarunta Washington Convention and Trade Center. Bandhigga waxaa laga helaa siyaabaha lagu dhowro deegaanka. Haddii aadan imaan karin munaasabada, ka dhageeyso kana daawo bogga internetka dadka ka hadla Green Festival, iyo meelo laga helo macluumaad kale: www.greenfestivals.org/seattle

Digniinta Baabuurta Waaxda Gaadiidka Seattle (Seattle Department of Transportation) (SDOT) waxay ku hawlan tahay ballaarinta waddada S Spokane St. waxayna dhameystireysa waddada u socota bari 4th Ave. S. taasoo dibadda ka ah taagga, kana dambeysa isbedelka ku yimaada socodka baabuurta. Si aad u heshid tafasiil, fiiri: www.seattle.gov/spokane.

Twitter iyo blogga City Light Wararka City Light kala soco xisaabta lacag la’aanta ah ee Twitter, bogga shabakada bulshada (www.twitter.com/SEACityLight), kana hel wararka ku saabsan bogga danabka, khadadka quwadda Power Lines (www.seattle.gov/light/). Labadaba waxay bixiyaan macluumaad ku saabsan marka korantada baxdo iyo warar kale.

Wararka Seattle City Light: Cinwaanka: 700 Fifth Avenue, Suite 3200 PO Box 34023 Seattle, 98124-4023

Bogga internetka: www.seattle.gov/light

Su’aalo, faalo ama soo jeedin? -mail: [email protected] ama wac 206.684.3000.